Saturday, April 19, 2025

Dad Faransiis ah oo lagu laayey Weerar ka dhacay Dal ku yaalla Galbeedka Afrika ee…

Dabley ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen shaqaalo Hay’ad gargaar oo ka howlgala dalka Galbeedka Afrika ee Niger, iyadoo lagu dilay Lix qof oo Faransiis ah iyo qof darawal u ahaa.

Waxaa lasoo weriyey in Dableyda hubaysan ee weerarkan qaaday ay wateen mootooyin, iyagoo rasaas ku furay. Waxay dadkan ku sugnaayeen gobolka Koure, oo caan ku ah dalxiisayaasha doonaya inay arkaan duurjoogta ah, siiba xayawaanka Geriga.

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay dhimashada muwaadiniintanteeda lagu dilay dalka Niger. Raggan Faransiiska ah ayaa u shaqeynayay koox gargaar oo caalami ah, iyadoo hore loo sheegay inay ahaayeen dalxiisayaal.

Ad

Hay’adda samafalka ee Faransiiska ee ACTED oo ay ka tirsanaayeen ayaa sheegtay in qaar shaqaalaheeda ka mid ah ay qayb ka ahaayeen masiibadan.

Madaxweyne Emmanuel Macron, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Niger Mahamadou Issoufou, sida lagu baahiyey warsaxaafadeed aan la faahfaahin waxyaalihii ay ka wada hadleen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON