Warrarka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dad kale oo hor leh aya isbitaalka magaalada ugu dhinteen cudur looga shakisan yahay Coronavirus.
Madaxa caafimaadka Isbitaalka Cadaaddo ayaa sheegay in qofkii ugu dambeeyay uu saaka barqadii ku geeriyooday Isbitaalka Cadaado, waxaana saacadihii ugu danbeeyay ku dhintay laba qof oo midkooda rag yahay da’diisuna tahay 91 sano jir iyo haweeney 69 sano jir ah.
Isku-duwaha Caadimaadka Degmada Cadaado Cabdi Xasan Fooljaawe ayaa sheegay in ilaa hadda ay isbitaalka Cadaaddo ku dhinteen 8 qof oo looga shakisan yahay cudurka Covid-19.
Xaaladda Ogsajiinta ee isbitaalka ayaa laga dayrinayaa iyadoo ay kordhayaan dadka uu naqasku ku xirmo, sidoo kalena lagu arko calaamadaha Coronavirus.