Saturday, May 17, 2025

Dad badan oo ku dhintay Qarax ay Alshabaab ka fulisay Magaalada Mandheera, Kenya (Sawirro)

Wararka laga helayo magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari, Kenya ayaa sheegaya inuu halkaasi maanta ka dhacay Qarax qasaare badan geystay.

13 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii Gaari Bas ah (matatu) oo ay la socdeen dad rakaab ah uu jiiray walxaha qarxa oo jidka loo geliyay, xilli uu ku socday magaalada Mandheera.

Warbaahinta Kenya ayaa kasoo xigatay Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-Bari Bunei Rono, in la xiray hal qof oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyay weerarka.

Ad

Gaariga rakaabka ah ayaa marayay wadada isku xirta Carabiya iyo Mandheera, markii ay ku qarxay Miinada, waxaana gaarya burbur aad xoog badan. Dadka dhintay iyo dhaawaca ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Mandheera

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON