Wednesday, November 29, 2023

Dad badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Miino ku Qaraxday Gaari ay la socdeen

Dad badan oo ahaa rakaab la socday Bas yar oo gaadiidka dadweynaha ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday, kadib qarax haleelay Gaari bas yar ah (Caasi) oo ay la socdeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood, waxaana ku dhintay 6 Qof oo Shacab, iyadoo 12 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana Miinada Gaariga ku qaraxday la sheegay inay halkaas gelisay kooxda Alshabaab.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre, waxaa dadka waxyeellada kasoo gaartay qaraxan la gaarsiiyey Cibitaalka Degmada Shallanbood.

Ad

Qaraxyada Miinooyinka ee Alshabaab la raadiso ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa mararka qaar haleela gaadiidka dadweynaha, waxaana ka dhasha qasaare badan oo galaafta shacab badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON