Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay dacwad ku socoto diyaaradii Sabtidii 5-ta bishan Oktoobar ka degtay Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo halkaasi geysay xubno siyaasiyiin ah oo ka qeyb galaya caleemo-saarka Axmed Madoobe.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Fokker 50, 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya ayaa ku shaqeyneysay magaca shirkadda Jubba Airways oo uu lahaa xildhibaan ganacsade ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in laga iibiyey shaqsiyaad u dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Dowladda Somalia ayaa shirkadda Jubba Airways ku cadaadisay inay dacwad ka gudbiso diyaaradda magaceeda ku gashay xadgudubka hawada Somalia. waxaana la sheegay inay xilliga ay kasoo degtay magaalada Kismaayo ay wadeen duuliyeyaal Kenyaan oo lasoo kireystay, iyadoo aan laga warheynin ay ku dhaqaaqday duulimaadkaasi.
Shirkada Jubba Airways ayaa la sheegay inay Maxkamadaha Kenya ka Dacweysay Diyaaadda iyo dadkii ku lug lahaa duulimaadkaasi, iyadoo dacwadaasi ay dalbaneyso in diyaaradda la dejiyo oo aanay duulimaad kale geli karin.