Tuesday, December 3, 2024

Dacwad ka dhan ah Maxamed Farmaajo oo loo gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada

Ururka ay ku mideysaniyiin Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah oo fadhigiisu yahay magaalada Melbourne ee waddanka Australia ayaa dacwcad ka dhan ah Madaxda Dowlada Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC ee magaalada The Hague, dalka Holland.

Dacwaddan ayaa loo heysaa Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo kiisaska lagu soo oogay ay ka mid yihin tacadiyo ka dhacay Soomaaliya oo ay Mas’uul ka ahayd dowladii uu hoggaminayey Farmaajo.

Kiisaska Dacwadaha ee loo gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ICC, ayaa waxaa ka mida:

Ad

1- Xasuuqii Baydhaha oo lagu dilay dad ka badan 15 qof

2- Xayiraaadii la saaray Jubbaland

3- Askarta loo qaaday Eritrea

- Advertisement -

2- Iyo Kiiska Ikran Tahliil Faarax.

Guddoomiyaha ururka Qareennada Soomaaliyeed ee qurbajoogta ah Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax ayaa sheegay inay gudbiyeen Dacwadda, ayna heleen jawaab ah inay Maxkamaddu ka guddoontay, iyadoo markaas kadib ku xiran qaadista dacwadda hadba sida ay shaqadeedu u kala horeyso.

Garyaqaanka ayaa VOA u sheegay in dembiyada ka dhacaya Soomaaliya ay bateen, ayna diyaarinayhaan kiisask kale oo dad rayid ah lagu laayey, iyadoo la ogyahay cidda mas’uulka ka ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON