Thursday, May 22, 2025

Dabley ka dhex dagaalameysa Hotel ku yaalla Xeebta Liido iyo Alshabaab oo sheegatay…

Rasaas iyo Qaraxayo ayaa laga maqlayaa Hotelka Beach View ee xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, kadib weerar qarax ku bilowday oo ay Dabley ka tirsan Alshabaab caawa ku qaadeen.

Dadweyne badan ayaa ku waxyeeloobay qaraxa is-miidaaminta ahaa, waxaana socda gurmadka iyo howlgalka ay wadana ciidamada dowladda iyadoo tobanaan dhaawac iyo dhimasho ay laga qaaday goob ta qaraxa.

Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weararka lagu qaaday Hotelka Xeebta Liido ku yaalla iyo shacabkii ku sugnaa halkaasi, waxaana mid ka mida dableyda weerarka qeybta ka ah uu warbaahintooda u sheegay inay qarax ku daah fureen weerarka, ayna weli ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka.

Ad

Warbaahinta dowladda aya sheegtay in ciidamada dowladda howgal ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerarka qeyb ka ah.

Qasaaraha ayaa sii kordhaya, waxaana isbitaallada Muqdisho ay direen codsi ah inay dadweynaha ku deeqaan Dhiig, kadib dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON