Friday, April 12, 2024

Dabley weerartay Xarun Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir oo la qabtay & Qasaare ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen dabley weerar ku qaaday xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dableydan oo ka kooban laba nin oo ku hubeysnaa qoryo AK 47 ah iyo hub kale ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday xarunta degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana iska caabiyey ciidamadii amniga ee ilaalada ka ahaa degmada oo markii ay dhaawacmeen gacanta ku dhigay.

Weerarka ayaa la sheegay inay ku geeriyootay haweeney shacab ah, iyadoo ay dhaawacyo gaareen dableyda iyo ciidamo ka tirsan kuwa amniga, waana howlgallo lagu guuleystay oo dhowaanahan ay ciidamada dowladda uga hortegayeen Alshabaab.

Ad

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inuu gaaro xarunta degmada Deyniile oo lagu soo bandhigayo dableyda la qabtay oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON