Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dishay xalay Nin la tartamay xildhibaan caan ah oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.
Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa Waaxda Timacadde ee dagmada Wadajir, magaalada Muqdisho ku dilay Marxuum Maxamed Xuseen Sabriye (Guuleyste) xilli uu masjid kasoo baxay salaadii Cishaha kadib, wuxuunaahaa musharraxii la tartamay Xildhiban Xildhibaan Yuusuf Kabaale ee HOP#33.
Ninka Musharaxa ah ee la dilay ayaa ka mid ahaa saaxiibada iyo ehelka Xildhibaan Yuusuf Kabaalle oo hadda hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Alshabaab ee ka socda Gobolka Sh/Dhexe, waxaana falkan uu ka mid yahay Dilal qorsheysan oo Alshabaab ay ka wado caasimadda Muqdisho.
Dableyda dilka fulisay ayaa baxsatay, waxaana markaas kadib goobta tegay ciidamada Amniga iyo xubno ka mida ehelka Marxuumka oo meydkiisa goobta ka qaaday, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa.
