Sunday, January 26, 2025

Dabley ka tirsan Ahlu Suna oo Weerar Gaadmo ah ka fulisay Dhuusamareb (Askar la dilay iyo..)

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in Dabley hubeysan oo ka tirsan Ahlu Suna ay maanta weerar gaadmo ah ka fuliyeen gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dableyda ayaa bartamaha magaalada Dhuusamareeb ku weerarray gaari ay wareen ciidamada Gorgor, waxayna dileen laba askari oo ka mida Ciidamada Gorogor, iyagoo hore u kaxeysay Gaari nooca dagaalka ah.

Dableydan ayaa Gaariga oo ahaa Gaari Cabdi Bille ula fakaday degaanka Bohol ee xarunta u ah maleeshiyada Ahlu Suna, waxayna wararku sheegayaan in Gaarigan ay hore u lahaan jireen Ahlu Suna.

Ad

Afhayeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Sanka ayaa sheegay in falka lagula kacay Askarta Gorgor uu yahay mid argagixiso.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Amniga Dhuusamareeb ay ku howlan yihiin soo qabashada kooxdan kooxda falkan geysatay, sharcigana la hor keeni doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON