Kadib weerarkii kooxda Alshabaab ku qaadeen Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho galabnimadii shalay oo qasaaraha weyn dhaliyay ayna ku dhinteen dad ka badan 15 ruux oo ay ka mid yihiin laba xildhibaan oo caan ah, waxaa weli socda dagaalka hotelka dhexdiisa.
Maleeshiyo la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab oo ah laba dabley ayaa weli ku dhex jira hotelka qeybtiisa sare, waxaana saaka aroortii la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo ka socda gudaha hotelka. Dadka degaanka ayaa ku warramay in xalay oo dhan ay socotay rasaasta.
Sii socoshada weerarka Hotelka ayaa saameyn xun ku yeelanaya xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho oo lagu waday inay soo booqdaan madax ay ka mid yihiin madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka Arrimaha dibadda Ingiriiska.
Saraakiisha dowladda ayaa la sheegay inay dagaal ugu jiraan in la soo gabagabeeyo howlgalka gelinka hore ee maanta, inkastoo xaaladda cakiran tahay.
Goobjooge.com