Dab xoog leh ayaa qabsaday qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, waxaana dabkaasi uu dhaliyay qasaare culus.
Sababta dhalisay Dabka ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, iyadoo wararka qaar ay asheegeen inuu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la dhigay Goobta, halka warar kale sheegayaan inuu ka kacay Koronto.
Dabka oo kacay salaadii subax kadib ayaa weli socda xilligan ayaa waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu damiyo, waxaana gubtay ilaa 12 Boos oo ganacsi, kuwaas oo lagu iibin jiray Elektroonikada iyo Bagaashka.
Waxaa saaka magaalada Muqdisho laga maqlay Qaraxyo lagu sheegay Hoobiyeyaal, iyadoo xilligaas uu kacay dabka, balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu Dabku ka kacay Goob Ganacsi.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in Dabka ka kacay Suuqa Bakaaraha uu dhaliyay Qarax ay ka dambeeyeen kooxda Khawaarijta -Alshabaab-, laguna guuleystay in la damiyo, isagoo intaas ku daray inuu hal qof ku dhintay, kaasoo ay ku qaraxday miinadii la dhigay Suuqa.
Qasaaraha Dabka socda dhaliyay waxaa sii xoogeysanaya, inkastoo Gaadiidka dab-damiska Shirkadaha gaarka ah iyo Gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan daminta Dabka.
Suuqa Bakaaraha ayaa si joogto ah waxaa uga kaca Dab baabi’iya qeybo ka mida suuqa, iyadoo aan si cad loo sheegin sababaha dabka iyo xal u helideeda.