Dab ayaa xalay qabsaday Xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, magaalada Muqdisho, iyadoo ay u gurmadeen Dab-damista dowladda Hoose ee Muqdisho.
Dabkan ayaa wararku sheegayaan inuu ka kacay Koronto, isagoo aan geysan qasaare nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana xarunta Bankiga Dhexe tegey Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in kooxda Gurmadka degdega Dowlada Hoose Xamar aya ku guuleysatay inay damiso dabkaasi oo aan geysan khasaare soo gaaray hantida umadda Soomaaliyeed ee Bankiga taalay.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in gaadiidka dab-damista G/Banaadir si degdeg ah u gaareen xarunta Bankiga Dhexe, ayna ku guuleysteen inay ka hortagaan dabkaasi intii aanu faafin.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu waxyeelo u geystay xafiisyada Bankiga iyo agab kala duwan oo yaallay, sida xafiiska keydinta xogta shaqaalaha dowladda iyo qalab ay ugu badan yihiin Kombiyutero iyo qalab muhiim ah.