Dab xoog leh ayaa ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo ee Isgoyska Black Sea, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Dabka ayaa ahaa mid aad u xoog badan, wuxuuna ku faafay goobta shidaalka iyo degaanadii ku dhowaa oo xarumo ganacsi ay ku jireen, waxaana ku bas beelay hanti fara badan, iyadoo aan lagu guuleysan in la damiyo markii ay xilli hore gaari waayeen Dab damisyadii loo yeeray ee Gobolka Banaadir.
Gurmadka ayaa aad gaabis u ahaa, waxaana markii dambe gaaray goobta dabka ka kacay Dab damiska shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb qaaday daminta Dabkaasi oo la bakhyiiyey.
Ma jiro qasaare naf oo dabkaasi geystay, inkastoo uu si weyn u baabi’iyey hanti badan, kuna faafay degaanada ku xeeran goobta uu ka kacay Dabka.