Thursday, December 7, 2023

Dab ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho oo baab’iyey Goobo Ganacsi

Goobo ganacsi ayaa ku bas beelay Dab saaka ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho ee Suuq-Bacaad, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari xamuul oo siday Shidaal, kaasoo ku dhex qarxay suuqa, wuxuuna saameyn ku yeeshay ila 10 goob oo ganacsi oo ay ku jiraan xarumo shidaal, Makiinadaha Cajiinka, warshad Saliida Xabatu-sawda sameysa, goobo raashinka lagu iibiyo iyo qeylo kale.

Dadaal ay sameeyeen dadka iyo gaadiidka dab-damiska ayaa lagu guuleystay in lagu damiyo dabkaasi oo qasaarihiisa uu noqday mid kooban, kadib markii laga hortegay, waxaana qasaare weyn kasoo gaaray dad danyar ah oo u badan ganacsatada haweenka ee Badarka ku iibiya suuqa.

Ad

Waxaa magaalada Muqdisho joogto ka noqday Dabka ka kacaya goobaha ganacsiga, suuqyada, Isbitaallada iyo Guryaha degaanka, waxaana inta badan loo aaneeyaa inuu Dabku ka dhasho Koronto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON