Saturday, March 15, 2025

DAAWO: Xujayda Soomaaliyeed oo sanadkan helay adeegyo cusub

Adeegyo cusub oo aanay hore u heli jiray ayaa sanadkan loo suurageliyay inay helaan Xujeyda Soomaalida. 

Goobaha adeegyada lagu diyaariyay ayaa kala ahaa, Mina oo ay Maalmo joogi doonaan Xujaydu laga bilaabo Maanta oo ah maalinta 8-aadd (Yowmu Tarwiya) iyo Banka Carraffo oo la joogi doono Axadda.

Waxaan la dareemayaa isbedelka weyn ee lagu sameeyay meelaha loo qoondeeyay Soomaalida marka la barbardhigo sanidihii hore.

Ad

Adeegyada ugu muhiimsan ee cusub waxaa ka mida:

1-teendhooyinka ay Dagayaan Soomaalidu oo hadda ah kuwa labaad ee ugu wanaagsan Wadamada oo dhan.

2- Cuntada loo diyaariyay Xujayda inta ay joogaan Mina oo iyana ah mid tayo leh oo bilaash ah.

- Advertisement -

3- Teendhooyinka la harsanayo Maalinta Carraffo oo iyana aad loo hormariyay.

4- Adeegyada caafimaad oo ay ka mid yihiin Ambulance-yo iyo Dhaqaatiir u adeegaya Xujayda kuwaas oo saacad kasta dhex jooga Xujayda lana gudanaya Waajibaadka iyo Sunooyinka Maalmahaan Barakaysan.

Safiirka Soomaalida ee Boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay dadaal weyn u galeen sidii ay u hagaajin lahaayeen adeegyada xujeyda Soomaalida.

xajka2xajka1xajkaDHINACA SARE KA DAAWO SAFIIRKA OO KA HADLAYA ADEEGYADA XAJKA

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON