Maxaabiista Alshabaab ee lagu qabtay aagga Suuj waxaa u badnaa caruur aad u yaryar oo isugu jira 10 sano jir ilaa 15 sano oo Alshabaab ay askareeyeen.
Caruurtan qaarkood waxaa wareystay weriyeyaashii maanta tegay degaanka Suuj, waxaana naxdin lahayd in maxaabiista uu ka mid ahaa wiil 10 sano jir ah oo reer Baydhaba, kaasoo sheegay in Alshabaab ay soo kaxeysteen, kana qaadeen Mobile-kii, hooyadiisna aanay ogeyn inuu dhintay iyo inkale.
DHINACA SARE KA DAAWO WAR KOOBAN OO UU DIYAARIYAY JAAMAC DAPARANI
Ad
Goobjooge.com
Warar Xul ah