Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxba kama jiraan ki tilmaamay hadal kasoo yeeray wasiirkiisa Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo sheegay in dowladda Federaalka ay gacan ku leedahay weerarka Alshabaab ku soo qaaday xeebaha Puntland, wuxuuna caddeeyay inuu aaminsan yahay shaqsi ahaan inay san dowladda dhexe ee Soomaaliya wax lug ah ku lahayn duulaanka kooxda Al-Shabab kusoo qaaday degaano ka tirsan Puntland.
C/weli Gaas oo wareysi siiyay VOA ayuu ku sheegay in Puntland iyo dowladda Federaalka ay si isku mid ah dagaal ugula jiran Alshabaab oo ah caddow Soomaaliyeed, wuxuuna marada u celiyay wasiirkiisa oo uu sheegay inuu si kale wax u sheegay loona qaatay qaab kale.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay ciidamo shisheeye iyo AMISOM aysan u baahneyn, basle ay rabaan in ciidamadooda loo kaalmeeyo lagana taageero qalabka iyo tababarka sida AMISOM iyo ciidamada Federaalka oo kale.
DHINACA SARE EE KA DAAWOÂ C/WELI GAAS EE VOA
Goobjooge.com