Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016.
Xaflad ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayuu ka shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha, wuxuuna ka hadlay qaabka uu doonayo haddii la doorto inuu dalka ku hogaamiyo.
“Isuma sharxin kursi jaceyl ee waxaan isu taagay inaan bulshadeeda inaan u adeego, sharaf ayay ii tahay inaan soo hoggaamiyo dalkan, haddana aan mar kale ka codsado Xildhibaanada inay i doortaan..” ayuu yiri Sheekh Shariif
Xafladda waxaa ka dhex muuqday mas’uuliyiin hore ula soo shaqeysay Sheekh Shariif oo xilligan howlgab ah.
DAAWO SAWIRRO