Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa isu dhaariyay inuu yahay Madaxweynaha shacabka Kenya, isu soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuru Park eee magaalada Nairobi.
Kumanaan taageerayaasha mucaradka ah ayaa isugu soo baxay oo goobjoog ka ahaa dhaartaasi, waxaana dadweyne fara badan ay u sacbiyeen markii uu ku dhawaaqay dhaarta xilka madaxweynaha Kenya.
“Anigoo ah Raila Olomo Odinga waxaan ku dhaaranayaa inaan difaaci doono qaranka anigoo ah madaxweynaha shacabka, Allaha igu kaalmeeyo” ayuu yiri Raila Odinga oo kitaabka Bible-ka waxaan si weyn ugu sacbiyey taageerayaashiisa.
Arrintan ayaa loo arkaa inay dhibaato ku tahay madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta, iyadoo mucaaradka Kenya ay go’aansadeen inay qaab jabhadnimo ah kula loolamaan Kenyatta kadib doorashadii muranka ka dhacay ee dalkaasi ka dhacday.
SAWIRRO