Dhalinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Falastiiniyiinta ayaa dab qabadsiiyay qabriga Nebu Yuusuf, iyagoo la tilmaamay inay ka careysan xadgudubyada ay Ciidanka Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin. Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo ka hadlay dhacdadaasi, ayaa si kulul u cambaareeyay, isagoo ku goodiyay in gacan bir ah ku maquunin doono argagaxisada.
Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas oo isna cambaareeyay falkaasi ayaa dhinaca kale ku baaqay bulshada reer Falastiin isagoo kula dardaarmay inay is xakameeyan, sharcigana dhowraan. Muslimiinta iyo Yahuudda, ayaa aaminsan dhismaha dabka la qabadsiiyay uu ku aasan yahay Nabi Yuusuf, waxaana soo badanaya dhinacyada cambaareynaya falkaasi. Qalalaasaha u dhaxeeya Falastiin iyo Israel, ayaa yimid markii Maamulka Israel uu dadka reer Falastiin u diiday inay ku cibaadeystan Masaajidka Al Aqsa.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com