Thursday, May 22, 2025

DAAWO SAWIRRO: Ciidamo Turki ah oo kasoo degay Muqdisho & Saldhigii Milteriga oo la furayo

Ciidamo ka socda dalka Turkiga ayaa tegay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah saldhiga weyn ee Turkigu ka furayo caasimadda Soomaaliya.

Saraakiil iyo ciidamo Turki ah oo gaaraya 200 Askari ayaa gaaray magaalada Muqdisho, waxaana ciidamo iyo saraakiil maamuli doona saldhiga Turkiga ka dhisay Muqdisho oo si rasmi ah loo furi doono bisha soo socota ee Septembar.

War ay faafisay saxaafadda Turliga ayaa sheegaya in Ciidamada Turkiga uu howlgalkooda tababar ka bilowday saldhigga cusub ee Turkigu ka dhisay Magaalada Muqdisho.

Ad

Diyaarad ay la socdeen ciidamada ka socda Turkiga ayaa ka degtay Magaalada Muqdisho, waxaana sawirro laga qaaday ay muujinayaan Ciidamo badan oo Turki ah kana soo degay Garoonka Aadan Cadde kuwaas oo ay keentay Diyaarad Turkish Airlines oo gaar ah.

Cemal Cevap oo ah Cilmi bare ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Turkiga howlgalkeeda Soomaaliya ee lagu tababaro Ciidamada Soomaaliya uu shalay billowday.

- Advertisement -

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu wada ain la furo Bisha September ee soo socota,waxaana la filayaa in lagu tababaro 10,000 oo Askar Soomaali ah. Saldhiggan waxaa dhismihisa ku baxday $50milyan oo Doollarka Mareykanka ah, waxaana uu ku fadhiyaa 400M, kaasoo markiiba ay ka qalin jebin karaan 1,500 Askari.

SAWIRRO

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON