Aroos aan muddooyinkan danbe la arag ayaa maanta loo sameeyay Wiilka ay ayeeyada u tahay boqoradda Ingiriiska, Queen Elizebath ee lagu magacaabo Prince Harry oo guursaday gabar jilaa Mareykan ah oo lagu magacaabo Meghan Markle.
Waxuuna guurkani uu noqday guur gabar ka tirsan Hollywoodka Mareykanka ay ku biiriyay qosyka boqortooyada oo taariikh ahaan soo jiray kun sanadood. Amiir Charles, oo ah aabaha dhalay Amiir Harry ayaa lasoo lugeeyay aroosadda marki ay soo galeysay kaniisadda Saint George’s Chapel ee qasriga Windsor.
Xafladan oo lagu cazuumay in ka badan 600 oo marti-sharaf ah ayaa waxaa ka maqnaa Markle oo ah aabaha dhalay aroosadda Meghan. Hadal qoraal ah oo ay Khamiistii soo saartay ayay ku xaqiijisay inuusan kasoo qeybgali doonin munaasbadda sababo dhinaca caafimaadka ah.
Laakin waxaa joogtay oo munaasabadda soo xaafirtay hooyada dhashay aroosadda oo la yiraahdo Doria Ragland.
Marti-sharafka goob-jooga ah xafladda ayaa waxaa ka mid ah jilayaal iyo ciyaartooy caan ah oo ay ku jiraan Oprah Winfrey, George and Amal Clooney, David and Victoria Beckham, Sir Elton John iyo Idris Elba.
DAAWO SAWIRRO