Saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgalkii habeennimo ee Talaadadii ka dhacay degaanka Awdheegle ee gobolka Sh/hoose kadib markii ciidamo wadajir ah oo ka tirsan Kumaandooska Soomaalida ee DANAB iyo ciidamo Mareykan ah ay fuliyeen.
Telefishanka CNN ayaa kasoo xigtay afhayeenka  xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caato  in howlgalka lagu soo qabtay tiro ka mida saraakiil sare oo Alshabaab ka tirsan oo aanu shaacin. Wuxuu kaloo intaasi ku diray in ciidamada ay dileen  ugu yaraan mid ka mida sarakiisha sare ee Alshabaab iyo ciidamo kale oo Alshabaab ah.
Ciidamada Soomaalida ee howlgalkaasi ku lug lahaa ayaa lagu magacaabaa DANAB waana ciidamo kumaadoos ah oo Mareykanku tababareen. Dadka degaanka ayaa sheegaya in saraakiisha Alshabaab ee lagu qabtay howlgalkaasi ka mid yahay Abuu Cubeyda oo ahaa taliye xigeenka howlgallada Alshabab ee Shabeelaha Hoose.
“Dowladda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa wada shaqeynta ciidamada labada dhinac si loo burburiyo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab” ayuu yiri C/salaam Caato.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa iyaduna sheegtay in howgalka ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ayna ku caawiyeen diyaaradaha helikobtarka ah, iyadoo ciidamada howsha fuliyay ay ahaayeen kumaandooska Soomaalida ee DANAB.
Goobjooge.com