Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dingiintii ugu kululeyd u jeediyay in la siyaasadeeyo ama qabiil loo bedelo howlgalka ammaanka Muqdisho.
Sanbaloolshe ayaa shaaciyay inaysan ahayn howl laga gorgortamayo ama cid looga turayo howlgalka oo ay tahay howlgal shaqsi wata oo ay tahay howl golaha wasiirada ay ansixiyeen.
“Ma jirto qof ku ganban kara magaca ciidan, magac beeleed iyo mas’uuliyad, Magaaladan kama rabo tuute, gaari Cabdibile ordaya, askari hubeysan….” ayuu yiri Agaasime Sanbaloolshe.
DAAWO
https://www.facebook.com/MadaxtooyoNews/videos/444017712631333/