Tuesday, November 12, 2024

DAAWO: Maxaa keenay in socodka Mooto Bajaajta laga mamnuuco Magaalada Baydhaba..?

Magaalada Baydhabo ayaa amar kasoo baxay ciidamada Booliska looga mamnuucay inay ku dhex socoto magaalada Bajaajta, iyadoo maalintii labaad aysan magaalada mar karin Mootada saddex lugooleyda ah ee loo yaqaan Mooto Bajaajta.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii la sheegay in Mooto Bajaajta fara badan ay magaalada Baydhaba ka dhalisay ciriiri iyo amni darro, shilal joogto ah, isla markaana ay diideen inay qaarba maalin shaqeeyaan, sida uu sheegay taliyaha Booliska K/Galbeed ee Soomaaliy Jen. Mahad C/raxmaan Aadan.

Waxaa si weyn arrintan looga dareemay magaalada iyadoo go’aankaasi uu dhaqan galay shalay, waxayna saameyn weyn ku reebtay dhalinta ku shaqaysan jirtay Bajaajta iyo dadweynaha u isticmaali jiray inay hawlahooda maalinlaha ku soo qabsadaan.

Ad

Magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin mootooyin ka badan 2000, ayna si toos ah u shaqeeyaan 1800 ka mida, wuxuuna ku doodayaa taliyaha Booliska inaysan magaaladu qaadi karin tiro intaas la eg oo mooto bajaaj ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON