Tallaabo aan hore loo arag oo la-yaab ku noqotay dunida ayuu qaaday Duqa magaalada Mexico City ee dalka Mexico kadib markii uu aroosay Yaxaasad.
Arrintan lala yaabay ayaa loo sameeyay xaflad cajaa’ib leh iyadoo loo si weyn loo qurxiyay aroosadda Yaxaaska ah, waxaana ka soo qeyb galay dadweyne iyo marti sharaf fara badan.
Waxaa la sheegay inay ahayd dhaqan hore oo reer Mexico ay lahaayeen ujeedkiisuba yahay in la farxad geliyo kaluumeysatada dalkaasi oo arrintan u arka inay nasiib weyn u soo jiideyso.
Yaxaasadda dhedigga ah ayaa loo yaqaan “Amiirad” waxaana loo xiray dhar iyo ubaxyo, iyadoo xaflado waaweyn loo dhigay ayna kooxaha fanka iyo miyuusika ay magaalada ku wareejiyeen.
Yaxaasadda waxaa si rasmi ah loogu mehriyay Duqa magaalada Mexico City ninka lagu magacaabo Huamelula Victor Aguilarand.
DAAWO SAWIRRO