Gantaal nooca Balaastikada ah ayaa la sheegay in jabhadda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ay ku rideen magaalada barakeysan ee Maka Almukarama ayaa lag hor tegay.
Isbaheysiya ciidamada huwanka ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa soo bandhigay gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta dalka Yeman oo looga hortegya meel 65 KM u jirta magaalada Maka, waxaana gantaalkaasi laga soo riday Gobolka Sacda ee Waqooyiga Yeman.
Hogaanka ciidamada huwanta ee Sacuudigu hogaamiyo ayaa shaacisay in gantaalka ka yimid Yeman  uu ka hortegay gantaal kale oo burburiyay, iyadoo aan wax qasaare ah ka dhalan.
Dhinaca kale Xuutiyiinta ayaa sheegay inay gantaalka u rideen dhinaca Sacuudiga ayna ula dan lahaayeen Garoonka diyaaradaha ee Boqor C/casiis oo ku yaala magaalada Jiddaha, kaasoo ahaa nooca Barkan 1.
Muuqaal muujinaya xiligii hawada looga hortegay gantaalka Xuutiyiinta ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo dadka carabta ay si weyn isu dhaafsanayeen gantaalkaasi.
Goobjooge.com