Saturday, April 26, 2025

DAAWO: Doorasho Riwaayad ahaan loo jilay oo lagu doortay laba xildhibaan oo ka tirsan Beesha Murusade

Waxaa goor dhow soo idlaaday natiijada laba kursi oo ka tirsan Aqalka hoose oo lagu doortay magaalada Cadaado.

Labadan kursi ayaan haba yaraatee wax tartan ah ka dhicin, taasoo ay ugu wacan tahay in musharixiinta doonayay inay soo baxaan ay keensadeen qofkii la tartami lahaa iyo ergadaba.

dhuxulowKursiga hore wuxuu ahaa kursiga Habar Adinle/Murusade. Waxaa cod gacantaag ah ku qaaday  Xuseen Qaasim Yuusuf, oo gacanta loo taagay helayna 51 cod, kadib markii uu tanaasulay musharaxai Shire macalin Gaab.

Ad

jilisKursiga labaad wuxuu ahaa Kursiga koowaad ee  Habar ceeno/Murusade oo isna gacantaag 47 cod ah lagu siiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, markii sidii loo qorsheeyay uu Axmed Mukhtaar maxamuud oo uu keensatay Mustaf Dhuxulow.

ergo-gacantaag

Doorashada noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan sanadkan 2016 oo musharixiin badan ay awood u heleen inay iyaga soo qortaan ergada iyo dadka la tartamaya, kana bixiyaan kharashka, taasoo keentay in wax tartan ah aanu meesha ka dhicin ee riwaayad isu bedesho arrinta oo dhan.

- Advertisement -

Qorshahan ayaa dadka qaarkii ugu magac dareen MUSHARAX IYO MALXIISKIISA, maadaama qofka musharaxa weyn uu wato ee la tartamaya uu yahay qof magac u yaal ah oo booska lagu buuxsado.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON