Ciidamada ammaanka Israa`iil ayaa xiray gabar u dhalatay Falastiin oo laga duubay muuqaal ay ku handadeyso ciidamo Israa’iiliyiin ah xilli uu bannaanbax ka socday Daanta Galbeed.
Gabadha oo ay qoyskeeda ku sheegeen in lagu magacaabo Ahed Tamimi, oo 17 jir ah, ayaa lagu eedeeyay xadgudug iyo inay rabshado ka qayb qaadatay. Muuqaal la duubay Jimcihii ayaa muujinaya koox gabdho ah oo ku qaylinaya isla markaana jug siinaya labo askari, oo aan iyagu ka jawaabin falkaas.
Aabbaha gabadha la xiray ayaa sheegay in ciidamadu ay gaaska dadka ka ilmeysiiya ku tureen ayna jebiyeen daaqadda guriga qoyska. Bassem Tamimi, oo ah qof caan ah oo xuquuqda dadka u dhaqdhaqaaqa, ayaa intaa ku daray in wiil la ilmo-adeer ah Ahed, oo 14 jir ah ay sidoo kale maalintaasi dhaawaceen ciidamada Israa`iil.
Mohammed ayaa la sheegay in la dhaawacay xilli dibad baxyo ay ka socdeen xaafadda Nabi Salih oo milatariga Israa`iil ay sheegeen in in ka badan 200 oo Falastiiniyiin ah ay dhagaxaan ka soo tuurayeen.
Muuqaalka ayaa laga maqli karayay Ahed oo ciidamada u sheegeysa inay ka tagaan halka laga galo guriga. Markii ay ka dhaqaaqi waayeen ayay riixday oo ay jug siisay ciidamada. Gabar kale iyo haweeney ayaa sidoo kale u gacan qaaday ciidamada.
Shalay subixii, aabbaha gabadha ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray: “ciidamada Israa`iil waxay weerareen gurigeyga, waxay afduubteen gabadheyda. Waxay xadeen telefoonnadeenna, kaamirooyinka iyo laptop-yada, waxayna garaaceen xaaskeyga iyo carruurteyda.”
Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ee Falastiiniyiinta ah ayaa ammaanay ficilka ay gabadhu ku kacday, halka Israa`iiliyiin bandanna ay cambaareeyeen.
2 #Palestinian girls asked an #Israeli officer & solider to get out from their home’s garden “ get out of here, get out of our home , do not stay here “ some pushing & kicking take place in the village of al Nabi Salah , Ramallah. The girls got both of them out the gardens.#Trump pic.twitter.com/H6akBF29tk
— Nasser Atta (@nasseratta5) December 19, 2017