Wararka laga helayo magaalada Qudus ee Yuhuuddu xoogga ku heysato ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay magaaladaasi, kaasoo lala beegsaday Bas ay dad saarnaayeen.
Waxaa la arkayay qiiq madow oo Bas-ka ka baxaya kadib markii qaraxu ka dhacay, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan in 20 qof ay ku dhaawacantay qaraxaasi oo laba ka mida xaaladoodu liidato.
Qaraxyada ayaa dhowaanahan ka dhicin gudaha Israa’iil, wuxuuna qaraxan noqonayaa kii ugu horeeyay ee muddo sanad ka badan ka dhacay magaalada Qudus, weli ma jirto koox sheegatay.
DAAWO QARAXA
BREAKING: Heavy explosion on bus in Jerusalem,it was not terror attack,Bus caught fire and then exploded @Conflicts pic.twitter.com/CqrowYUkfS
— Mogadishu news (@Somalibloggers) April 18, 2016
Goobjooge.com