Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhalashada Bisha Ramadaan.
Waxaa kaloo hamblyada bisha Ramadaan diraya madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
DHINACA SARE KA DAAWO FARRIINTA MADAXWEYNE FARMAAJO
Ad
AKHRISO FARRIINTA XASAN SHEEKH
“Ramadaan Kariim ayaan leeyahay dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Bishan waa bishii kheyrka, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bishii towbada, cafiska, sheydaanka oo la xiro, dadka oo naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo farabadan. Waxaana Ilaahay ka baryayaa in intaas oo dhan uu ina siiyo, fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan awgeed’’. Aan kaalmeeyno kuweena liita ee Muslimiinta ah ee soomaya ee aan waxba haysan oo aan wax ka siino waxa aan haysano, si uu Ilaahay inoogu naxariisto.”
AKHRISO FARRIINTA SHARIIF SHEEKH AXMED
“Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa bishii barakaysnayd ee Ramadan, ilaahay haka dhigo mid umadda Soomaaliyeed u horseedda guul kheyrkeeda iyo barakadeedana ilaahay noogu dembi dhaafo.,”
- Advertisement -
Goobjooge
Warar Xul ah