Thursday, April 24, 2025

Daar ku duntay Degmada Xamarweyne & Gurmad samata bixin ah oo loo sameeyay

Guri ka kooban saddex dabaq ayaa ku dumay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo qasaare kala duwan ka dhashay.

Daarta oo ka mida kuwa qadiimiga ee Xamarweyne ayaa waxaa deganaa oo ay ku duntay dad dhowr qoys ah oo uu ka mid yahay nabadoon caan ka ah degmada Xamarweyne, waxaana la maqlayaa codadka dadka ku hoos jira burburka, iyadoo uu socdo gurmadka dadkaasi lagu badbaadinayo.

Guriga ayaa la sheegay inay leeyihiin Qoyska Xildhibaan Biibi Khaliif, waxaana weli kala caddeyn sida wax u gaareen dadka uu ku dumay dabaqaaasi, iyadoo ay goobta gaareen maamulka degmada Xamarweyne iyo dadweyne fara badan.

Ad

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Guriga laga soo badbaadyey ilaa 17 qof oo ku soo jiray burburkiisa, iyadoo aanay jirin cid ku dhimatay, waxaana dhaawacyo fudud ay gaareen 5 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON