Thursday, February 13, 2025

Daadad & Dhooqo xiray qaar ka mida Wadooyinka Muqdisho & Xafladaha soo dhoweynta Cumar Filish oo weli socda…

Wadooyinka Muqdisho oo intooda badan hore loogu xiray dhinaca amniga ayna ka taliyaan dhagaxyo waaweyn oo magaalada kala qeybiyey ayaa waxaa kusoo kordhay in roobabkii ugu danbeeyay ay xireen qaar ka mida wadooyinkii furnaa ee shacabka adeegsan jireen.

Wadooyinka ay xireen Daadadka ka dhashay roobabka waxaa ka mida Jidka Balcad Isgoyska Fagax iyo degaanka SISII oo gebi ahaan laamigu ka xirmay iyo agagaarka Shinemo Puntland, waxaana ciriiri ama suuragal noqon waayey isku socodka dadka iyo gaadiidka. waxaa kaloo ay biyuhu jareen Waddadda Bakaraha ee Masjidka Xareed, Wadada Maanabooliyo ee aada dhinaca isgoyska Afarta Darjiino, Wadada Boondheere ee  isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay Wadada Ceel-Qaloow ee degmada Wadajir, agagaarka Macmacaanka degmada Dharkeynley iyo wadooyin kale.

Iyadoo magaalada Muqdisho ay xaaladaas ku jirto ayaaw waxaa la yaab leh inay weli caasimadda ka socdaan xaflado dabaaldeg iyo soo dhoweyn ah oo loo sameynayo guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed oo xafladii ugu danbeysay ay shalay ka dhacday Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ad

Rajadii ay dad badan ka qabeen in guddoomiyaha cusub ee G/banaadir wax ka bedeli doona maamulka Dowladda Hoose aya sii yaraaneysa, iyadoo adeegyadii asaasiga ahaa ee ay u xil saarneyd ay maqan yihiin.

Image may contain: one or more people and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting, crowd and table
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON