Wednesday, February 19, 2025

Daacish oo War kasoo saartay Qaraxyadii Is-miidaaminta ee Kampala iyo Musaveni oo hanjabay..

Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ISIS ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarradii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Qoraal ay faafisay wakaaladda wararka ee kooxdaasi ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Gobolka Bartamaha Afrika ee Daacish ay qaraxyo is-miidaamin ah ka fuliyeen saldhiga Dhexe ee Booliska magaalada Uganda iyo Baarlamaanka dalkaasi.

Daacish ayaa warkeeda ku sheegtay in qaraxyada ay fuliyeen saddex xubnood oo ka mida ciidamadeeda ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 30 qof oo ay ka mid yihiin saraakiil iyo ciidamo.

Ad

Dhinaca kale madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa bayaan uu soo saaray caawa ku sheegay in qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Kampala ay ku dileen ilaa 7 qof oo ka mida kooxaha falkaasi geystay oo uu ugu yeeray ‘Doofaarro’.

“Waanu ugaarsanaynay tan iyo dhacdadii lagu weerarray Jan. Katumba. Kuwa la dilay tan iyo dhacdadii Katumba waxau kala yihiin: 1.Nsubuga Mohammed; 2.Manixaaji; 3.Muuse Mudasiri,
4.Ustaad Lubwama; 5.Juma Saciidi; 6.Serwada Juma; iyo 7.Amin Kawawa Mustapha.” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Madaxweyne Musaveni ayaa u hanjabay kooxaha argagixisada ee qaraxyada ka geystay magaalada Kampala, wuxuuna u sheegay inay iyagu soo dalbadeen, ayna meeshooda ugu imaan doonaan.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON