Sunday, May 25, 2025

Daacish oo Baaderi 84 sano jir ah ku gowracday Kaniisad ku taala Faransiiska

Kooxda Khilaafadad islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq DAACISH ayaa sheegay inay ka danbeysay weerar maanta lagu qaaday Kaniisad ku taala  Waqooyiga dalka Faransiiska oo ay  dileen laba nin oo Mindiyo ku hubeysan.

Baaderiga la dilay ayaa ahaa 84 sano jir lagu magacaabi jiray Jacques Hamel ayaa xilligaasi ku jiray xaflad diimeed, waxaana markii hore afduub u qabsaday laba nin oo Mindiyo ku hubeysan, waxayna gowraceen oo qoorta ka jareen, intii aanay Boolisku soo gaarin oo markii dambe toogtay labada nin ee weerarka ku qaaday Kaniisada ku taala degaanka Rouen ee Waqooyiga Faransiiska.

Kooxda ISIS ayaa markii ay gowraceysay Baaderiga ka duubtay Filim, waxayna arrintan noqotay xaalad ruxday dalka Faransiiska oo ah kan ugu badan ee ay weerarada ka geystaan kooxaha taabacsan Daacish.

Ad

Labada nin ee weerarka soo qaaday ayaa taageersanaa kooxda Daacish. Mid kale oo ka mida dadka lagu qabsaday Kaniisada ayaa xaaladiisu liidataa.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay inay iyadu ka dambeysay weerarka Kaniisada ku taala dalka Faransiiska, sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ACMAAQ oo raacsan Daacish.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON