Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku guuleystay inuu isago saxiixo, isla markaana xildhibaanada Beesha Khaatumo ka soo galaya labada aqal ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya lagu soo doorto magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Arrintan oo muran ka taagnaa shirkii Madasha ayaa ugu danbeyn ay Puntland ku guuleystay in dhammaan beelaha Daarood ee Waqooyiga Soomaaliya lagu soo xulo Garowe, cidda u danbeysa oo saxiixeysana uu noqdo Madaxweyne C/weli Gaas.
C/weli Gaas ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Khaatumo iyo Maakhir, degaanadaasina ay ka taliso Puntland, isla markaasina doorashada 2016 ay si xaq iyo xalaal ah uga dhici doono Garowe.
Dhageyso c/weli Gaas
Goobjooge.com