Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa markii ugu horeysay tegaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.
C/weli Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa laga sugayaa magaalada Cadaado isagoo ka mida madaxda lagu casuumay ka qeybgalka xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Ka qeybgalka madaxwyenaha Puntland ee munaasbadda caleemosaarka madaxweyne Xaaf ayaa la xaqiijiyay iyadoo la sheegay inay labada nin isku arkeen magaalada London oo arrintan ay ka wadahadleen.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Puntland uu tago magaalada Cadaado iyadoo labada maamul ay dagaalo ku dhex mareen Gobolka Mudug, isla markaan Puntland diiday inay aqoonsato maamulkan, waxayna tahay tallaabo horumar leh.
Goobjooge