Sunday, May 25, 2025

C/weli Gaas oo lix maalmood ay ku qaadatay inuu la kulmo Wasiirka arrimaha dibadda Kenya

Madaxwaynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo muddooyinkan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay  shalay u suuragasgay inuu la kulmo Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed kadib markii uu Nairobi ku sugnaa muddo lix maalmood ah ku sugnaa halkaasi.

Amina-Gas

C/weli Gaas ayaa la sheegay inay Kenya u yeertay balse arrimo ku saabsan socdaalka madaxweynaha Mareykanka ku imaan doono Kenya ay ku mashquuleen madaxda dalkaasi, waxaana dhibaato ku noqotay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dalka Kenya.

Ad

 

Warar xogogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland iyo hogaamiyaha Juba ay ka mid yihiin madax Soomaali ah oo Kenya ku taageersan inay sheegato qeyb ka mida Xuduudka badda ee Soomaaliya. Arrintaas oo dacwad dowladda Soomaaliya gudbisay ay hortaallo maxkamadda Cadaaladda adduunka.

Iyadoo hawada Kenya la xirayo maalmaha uu dalkaasi joogo madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa in C/weli Gaas iyo xubnaha la socda ay Kenya sii joogaan  ilaa Isniinta danbe.

- Advertisement -

shiine10

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON