Sunday, January 26, 2025

C/weli Gaas oo ku laabtay Garowe kadib socdaal qaatay muddo Bil ah (DAAWO SAWIRRO)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Garowe ee xunta Puntland kadib markii uu muddo bil ah dibadda ku maqnaa.

C/weli Gaas ayaa sheegay inuu soo gaabiyay socdaalkiisii Waqooyiga Mareykanka kadib markii xaalad dagaal ay gashay Puntland, markii kooxo Alshabaab ah ay duulaan ku qaadeen degaano ka mida Puntland, laakiin waxay ku qaadatay 5 maalmood oo kale inuu ku sugnaado dalka Itoobiya.

Akhri: C/weli Gaas oo weli ka maqan Puntland oo xaalad dagaal ku jirto [Halkee ku sugan yahay?]

HOOS KA AKHRI QORAAL AY MADAXTOOYADA PUNTLAND SOO SAARTAY

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo in muddo ah safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta 21-March-2016 dalka dib ugu soo laabtay siweyna loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Ad

Madaxweynaha ayaa intaasi kadib waxa loosoo gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxaana uu kawar bixiyey safarkiisii shaqo ee uu ugu maqnaa dalka dibadda iyo duullaankii ay kooxaha shar wadayaasha alshabaab kusoo qaadeen goobo  kamid ah deegaan xeebeedyada cariga Puntland.

Ugu horrayn, Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ayaa soo jeediyey kelmedo soodhoweyn ah waxaana uu Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladdii ugu dambeysey ee dalka iyo sidii ciidamada aan gabbashada aqoon ee Puntland ay cagta umariyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa kusoo duuleey Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan shacabka Puntland meelkastoo ay joogaan uga mahadceliyey  midnimadii iyo isku duubnidii ay u muujiyey cadowgii kusoo duuley dalkooda iyo sida wanaagsan ee ay u garab taagnaayeen ciidamadooda geesi-yaasha ah ee difaacayey Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda.

- Advertisement -

waxaan u mahadcelinayaa shacabweynaha reer Puntland meelkastoo ay joogaan, midnimadii ay muujiyeen, wadajirkii ay muujiyeen, si’ay meel ugaga soo wadajeestaan cadowgaa kusoo duuley dhulkoodii iyo diintoodii.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa iyaguna ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee u istaagey in ay difaacaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda cadowgoodana cashar lama illaawaan ah siiyeen, ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu jannadii kawaraabiyo intii shihiidey iyagoo dalkooda difaacaya, inta dhaawaca ahna in ilaahay u booga dhayo.

Waxaan sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa haweenka reer Puntland ee Sabaayadda dubayey, waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhallinyarada reer Puntland ee dhiiggooda shubayey, waxaan aad u bogaadinayaa odayaasha reer Puntland ee marwalba dhiirri gelinta iyo hanuuninta lagarab taagna ciidankoodaayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay tahay Mid keliya iskagana filan tahay sharwadayaasha shabaab iyo cidwalba oo isku dayda in ay wax u dhinto xasiloonida gaamurtey ee ka jirta Puntland isla markaana aanay u baahnayn ciidamo shisheeye oo ka hawl gala Puntland.

- Advertisement -

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu u sheegay Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in ay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaaybteeda wax kasta oo lagu bixinayo magaca Soomaaliya iyo ilaalinta nabadgeliyada Soomaaliya.

Waxan rabaa Beesha caalamka inaan u sheego inay Puntland xaq uleedahay inay hesho qaybteeda wixii Soomaaliya loogu talo galay oo ahaa dhaqaalaha badan ee lagu bixinayo magaca Soomaaliya, taas oo laagu tala galay nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahaceliyey guud ahaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee uu kulamada kula soo qaatay Qaaradda Ameerika sidii wanaagsanayd ee ay usoo dhoweeyeen, waxaana uu ugu baaqay inay kaqayb qaataan difaaca Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

DAAWO SAWIRRO

DSC_2588DSC_2593DSC_2598DSC_2599
DSC_2611

DSC_2629
DSC_2667
DSC_2671DSC_2669DSC_2672DSC_2678DSC_2681
DSC_2685
DSC_2697DSC_2707
DSC_2753
DSC_2765

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON