Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in la furay sameysashada xisbiyada siyaasadda ee maamulkaasi oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.
Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa fasaxay furashadda nidaamka xisbiyadda badan ee doorashooyinka gollayaasha degaanka Puntland lagu geli doono xaflad ka dhacayday magaalada Garowe.
Xaflada waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali  Gaas, guddoonka Baarlamaanka, masuuliyiin ka tirsan gollaha xukuumada, Guddoonka guddiga doorashadda, isimo, xubno ka socdey beesha caalamka, iyo marti sharaf kala duwan.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Soomaalia ay ahayd dal ku dhaqma dimoqraadiyadda xisbiyada badan 9 sanadood intii u dhaxeysay 1960 – 1969-kii, isaguna uu xogogaal u ahaa in gurigooga ay ka jireen ilaa shan xisbi.
Gaas wuxuu ku dhawaaqay in Puntland ay fasaxday furashadda xisbiyadda siyaasadda ee doorashooyinka gollaha degaanka, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay hirgalinta hannaanka doorashadda xisbiyadda Puntland.
Maamuladii isaga danbeeyay Puntland ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen arrintan, iyadoo C/weli Gaas uu ku dhaqaaqay iyadoo waqtigiisa ay wax ka yar sanad ka hareen.
Goobjooge.com