Iyadoo ay is gurayaan saacadaha ka harsan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogeysanaya ololaha Doorashada iyo isbedeladda dhacay waqtiga ug danbeeya.
Madaxweynaha Puntland oo si weyn u soo farageliyay ololaha doorashada ayaa dadaalkiisa ugu weyn ka dhigay sidii musharax ka socda Puntland uu kaalinta hore uga geli lahaa wareega koowaad ee doorshada, wuxuuna si buuxda u taageeray musharaxa Cumar C/rashiid Cali.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii musharaxiinta kala qeybsan ee kasoo jeeda Puntland ay hoos u dhaceen, iyadoo uu sare u kacay Musharaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo Puntland u aragtay inuu halis ku yahay miisaankeeda siyaasadeed iyo mustaqbalka awood qeybsiga dalka.
Dagaalka doorashada ee C/weli Gaas ayaa ku soo ururay in lagu midoobo taageerada Cumar C/rashiid, kadibna isbaheysi lala galo ninka ugu cod bata ama ugu horeeya doorashada wareega koowaad si ay markaasi u dhacdo in Puntland ay hesho xilka Ra’iisal wasaaraha.
Arrintan ayaa micnaheedu yahay in dagaalka ugu weyni uu ka dhex jiro xildhibaanada iyo madaxda beesha Daarood ciddii la tartami lahayd musharaxiinta Hawiye oo iyaguna isku dhegan.
Beesha Majeerteen ayaa musharixiintooda aad u kala qeybsan yihiin, taasoo keentay in xaaladoodu liidato, waxaana mar waliba beeshan ay aamisan tahay inay xaq u leedahay hogaanka dalka ama kan fulinta.
Goobjooge.com