Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa beeniyay inuu soo jeediyay qaab dhismeedka ciidamada Qaranka in loo qeybiyo 4.5
Wuxuu sheegay in Soomaaliya u baahan yahay Ciidan Qaran oo astaan Qaran leh, wuxuuna meesha ka saaray in 4.5 lagu soo xulayo Ciidamada, wararkaasina ay faafiyeen baraha Bulshada oo kaliya.
C/weli Gaas ayaa ku baaqay in Puntland u diyaar garowdo dagaal qaraar oo ay la gasho Shabaab iyo Daacish.
Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu shirkii Golaha Qaran ee Amniga ka soo jeediyay in dhismaha ciidamada Qaran lagu saleeyo qaab 4.5.
DHAGEYSO
Warar Xul ah