Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in danaha istaraatijyadeed ee Puntland kala dhaxeeyay Sacuudiga iyo Emiraatka uu ku qasbay in maamulkiisu uu la safto dalalkaasi.
C/weli Gaas ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay ka noqoto go’aanka dhex-dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay xiisadda ka taagan Khaliijka.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Puntland ay dowladda dhexe uga danbeyso go’aamada arrimaha dibedda ee ay xaq u leedahay, balse wuxuu sheegay in dastuurku uu dhigayo in arrimaha qaarkood laga wada tashado.
Ad
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA
Warar Xul ah