Sunday, May 25, 2025

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ku kala tegay qodob ka mida Hiigsiga cusub ee 2016.

Madaxda labada maamul ee Puntland iyo Jubba ayaa mid kasta ku dhawaaqay inuu doonayo qabanqaabada iyo in degaankiisa lagu qabto shirarka looga hadlayo arrimaha hiigsiga sanadka 2016 ee go’aanka looga gaarayo qaabka looga gudbayo xilliga kala guurka ah kadib markii la garwaaqsaday inaysan doorasho toos ah ka dhici karin dalka.

madoobe-gaas

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas oo ka hadlayay xuska sanadguurada aasaaskii Puntland oo xalay lagu qabtay Garowe ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay balanqaadyadii dastuuriga ahaa ee ay u qaaday shacabka ee ahaa in doorasho dalka ay dhacdo, wuxuuna intaas ku daray in Puntland dhigeyso gogol ay dadka Soomaaliyeed isugu yimaadaan si ay uga tashadaan mustaqbalkooda.

Ad

Md. Gaas wuxuu rajo xumo ka muujiyay dowladda federaalka ee Xasan Sheekh hogaamiyo oo uu sheegay inaysan kalsooni ku qabin, balse ay la shaqeyn doonaan dowladda cusub ee dhalan doonta kadib 2016-da.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo isna shalay ka hadlay xaflad lagu ansixiyay dastuur uu yeeshay maamulkiisa ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya oo  gogoshiisa ay fidinayaan.

Axmed Madoobe wuxuu ku dooday in Soomaalinimada ay ku weyn tahay oo maamulkooda uu ka kooban yahay dhammaan beelaha Soomaaliyeed, isla markaana aanu jirin maamul taas kula loolami karto, wuxuuna sheegay inay Soomaalida u siman tahay degaanada maamulkiisa.

- Advertisement -

Labada maamul ee Puntland iyo Juba oo isku aragti ka ahaa dagaalka lagula jiro dowladda Federaalka ayaa hadda u muuqda in mid kasta u xusul duubayo inuu saameyn weyn ku yeesho hiigsiga cusub iyo sida loo bedelayo dowladda federaalka ee hadda jirta.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON