Friday, May 23, 2025

Cunug ku dhashay Isbitaal ku yaalla Muqdisho oo la xaday (Dhacdo xanuun leh)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canug yar oo markaas la dhalay lagu xaday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

Sida uu caddeeyay Aabaha dhalay ilmaha yar oo ahaa wiil, waxaa laga xaday Hooyadii dhashay Naciima Maxamed Maxamuud oo markaas hurdeysay, iyadoo adkii la joogay ay xilligaasi u baxeen Salaadii Maqribka, kadibna la waayey markii la soo laabtay, iyadoo baaritaan dheer kadib lagu guul darreystay in la helo ciddii ka dambeysay ee canugaasi yar xaday.

“Markii aan Xaafadda tagay oo aan rabay inaan cashadii qaado ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararray, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala, qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay; dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay. Waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf Maxamuud Sheekh oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye ee Muqdisho. 

Ad

Canuga yar ayaa la dhalay Khamiistii, sida uu sheegay Aabe Mustaf oo intaas ku datay inuu ahaa canugii ugu horeeyay ee qoyskooda, isla markaana hooyadii ay xaalad adag ku sugan tahay markii ay weysay canugeedii, isagoo baaq u diray dadka Soomaaliyeed inay ka caawiyaan arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON