Monday, March 24, 2025

Cumar Filish oo mamnuucay Bannaanbax la qorsheeyay inuu ka dhaco Muqdisho (Sabab yaab leh)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo saaray amar ku sabasan inaan xilligan la aqbali doonin bannaanbax aanu la socon maamulka Gobolka Banaadir.

Kadib shir ka dhacay xarunta Gobolka ioo ay yeesheen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir ayaa afhayeenka Gobolka uu shaaciyey inaan la qaban karin bannaanbax oo ay ku tilmaameen culeys.

Cumar Filish ayaa sheegay in xilligaan Magaalada Muqdisho aysan xamili karin culeyso hor leh iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimada ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir.

Ad

Sababta loo mamnuucay bannaanbaxa ayaa lagu sheegay in dadka bannaanbaxyada wada ay wadaan fowdo, ayna ka shaqeynayaan amni darro, iyagooa mar waliba Shaatiyo kala duwan gashadaan, qaarkoodna laga keenay Gobollo kale.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay Magaalada Muqdisho ka socdeen qabanqaabada bannaanbax ay siyaasiyiin caan ah ku baaqeen inuu dhacayo Khamiista 13ka Janaayo 2022.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON