Thursday, March 27, 2025

Cumar Filish oo laga reebay Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeeray Golaha Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir aan caadi ahayn maanta isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka, iyadoo shirkaasi laga reebay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay joogeen Wasiirada muhiimka ah iyo taliyeyaasha ciidamada, waxaana loogu yeerin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo la rumeysan yahay inuu ka mid yahay madaxda sugaysa xil ka qaadista.

Ku-xigeenka Cumar Filish Cali Yare oo ka mida gacan-yareyaasha Madaxweynihii hore ee Farmaajo ayaa ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in liiska guddiga Amniga Qaranka ee Madaxtooyadu daabacday laga saaray Guddoomiyaha Gobolka oo ahaa xubinta ugu muhiimsan Guddiga Amniga Qaranka marka laga reebo Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha.

Ad

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Xaan Sheekh qabto waxaa ka qeyb galay: waxaa ka qeyb-galayn Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka internet-ka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON