Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa kulan Casho sharaf ah ugu yeeray xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda Beesha Hawiye, kasoo ka dhacaya Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Fariimo loo kala diray xildhibananada labada Gole ee kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa loogu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ku casuumay Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada kasoo jeeda Beesha Hawiye kulan casho sharaf oo looga tashanayo 13 xubnood ee matalaadda gobolka Banaadir.
Kulankan ayaa caawa ka dhacay Muqdisho, waxaana ajendihiisu yahay metalaadda Gobolka Banaadir, iyadoo hore Guddoomiye Cumar Fiish loogu eedeeyay inuu magac ahaan uga qeyb galay shirarkii Dhuusamareeb 3 iyo Muqdisho ee lagu gaarey heshiisyada Doorashada 2020/2012, iyadoo aan algu soo hadal qaadin go’aankii Baarlamaanka ee G/Banaadir loogu qoondeeyay inuu 13 senator ku yeesho Aqalka Sare.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale saxiixi waayey qaraarka kasoo baxay Golaha Ammaanka, waxaana arrintan ka hor yimid madaxweynayaasha Puntalnd Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
