Friday, March 28, 2025

Cumar Filish oo hoggaamiyey howl habeennimo lagu burburiyay dhismeyaal ku yaalla Kaaraan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Filish ayaa xalay hoggaamiyey howlgal lagu burburiyey dhismayaal la sheegay inay sharci darro yihiin oo ku yaalla Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka uu horkacayay Duqa Muqdisho ayaa lagu bur-buriyay dhismooyin laga dhistay Jidka u dhaxeeya Isgoyska Jiirada illaa degaanka Xaawa Casir, waxaana la sheegay inuu noqon doono howlgal socon doona.

Howlgalka waxaa lagu baabi’iyey dhismaayin badan oo ku teedsanaa wadadda Kaaraan ee dhex marta Suuqa Kaaraan, waxaana xilliga burburirta dhacday hantidooda ka maqnaa ganacsatadii lahayd, iyadoo saaka ay halkaasi ka taagan tahay xaalad cakiran oo dad badan ay ka careysan yihiin qaabka maamulka Gobolka Banaadir ula dhaqmay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON